|
Ururka Daryeelka Degaanka Saaxil |
|
Ku soo dhawada Urukan Daryeelka Degaanka Saaxil ururkan oo ah urur madaxbanan Ururkan waxa la asaasay 2007-09-15 Ururkan waaxa loo asaasay in u wax u qabto gobolka Saaxil khaasatan magalada Berbera. Melaaha aanu doonayno in aan wax ka qabano waxa ka mid ah dhinaca wax Barashada,Caafimaadka, dhaaqaalaha, Curyaaminta iyo wax yaabo kale baba, walayaal hadii aad donaysan in aad waxnagala qabataan gobaalkan nala soo xidhiidha waana fi sabiililaah. |
|
DHIBAATADA BERBERA KU HABSATAY IYO DAAWEYNTEEDA |
|
|
Tabaruc dhaqaale oo loo uruurinaayo cusbitaalada Berbera |
|
|
Duqii hore ee Berbera ayaa Loogu Magacdaray Dugsi Hoose/Dhexe . |
|
Duqii hore ee Berbera ayaa Loogu Magacdaray Dugsi Hoose/Dhexe .
Duqii hore ee Geeriyooday magaalada Berbera Xarunta Gobolka Saaxil Alle Haw naxariistee Siciid Daa,uud Cilmi ayaa Maanta 12/06/2008 loogu magac daray Dugsiga H/dhexe oo hore loo odhan jiray Dugsiga Hoose Dhexe ee Saaxil ,iyadoo maanta laga bilaabo 12/06/2008 Dugsigaas Qaatay , Dugsiga Hoose/Hoose Siciid Daa,uud Cilmi Berbera Gobolka Saaxil. Hambalyo ayaan leeyahay masuuliyiinta Berbera Iyo Intii ka Shaqeysay in lagu Xuso Marxuun Siciid Daa,uud Cilmi Goobtaa Waxbarasho ee Taariikhda leh oo qofkastaa mudanyahay haddii uu Bulshadiisa waxqabad ka dhex muujiyo in lagu xuso Goobahan oo kale.
Markaad maqasho Umad horumarkeeda waa marka qofkasta oo aan hawlgab ahayn lagu hagaajiyo booska ku haboon waase marka ay cadaaladi jirto. waa in markasta miisaanka la saraa dadka waxqabadkooda iyadoo ay haboontahay in marka qofku waxqabad keeno in lagu horumariyo Qaab Sharafeed iyo Maamuus ku dheehantahay , iyadoo markasta lagu dhiirigeliyo inuu halkaas kasii wado shaqadii fiicnayd ee uu Umadda u hayey Haddii uu geeriyoodana waxaa lagu Magacabaa Meelaha Horumarka uu isagu sameeyey ama qaar kaloo ka mida mandaqadaa uu horumarka ka sameeyey oo lagu xasuusto. Iyadoo kii Guuldaro soo hooya isagana ay haboontahay in lagu waajaho Canbaareyn iyo in booska laga saaro lana keeno mid ku haboon booskaas iyadoo laga fayowyahay dibudhacyada ina haysta waxaa dhacda in qofka guuldaro halkaa ka keenay uu meel kale guul ka dhalinkaro , waana tan aan nidhaahno / MA JIRTO QOF AAN MEEL KU FIICNAYN LAKIIN WAA IN LA HELAA BOOSKA UU KU FIICANYAHAY. Waa in la fogadaa waxyaalaha u hiiliya qofka aan waxqabadka lahayn horumar la,aantana keena . Iyadoo si caadiga ah Adduunyadu ay tixgeliso shakhsiga ka soo dhex baxa Caqli iyo Cilmi ahaanba. Waxyaalaha dibudhac inagu keenaya marna xaq uma lihid inaan difaacno, xeyndaabkana waa in aan ka sii deynaa shaqsiyaadka fiican ee kartida leh ee inaga dhex jira . Iyadoo ay haboontahay in aan Cadeyno Halyeeyada Umadda wax u qabtay haddii ay noolyihiin iyo haddii ay geeriyoodaan taas oo ay markhaati u tahay sida umadda ReerBerbera u cadeysay in loogu magacdaro Marxuun Siciid Daa,uud Cilmi ,dugsiga Hoose/Dhexe ee Saaxil iyadoo ay sababtu tahay Horumarkii aadka u balaadhnaa ee uu ka sameeyey Berbera. Marxuun Siicid Daa,uud Cilmi wuxuu qabtay Xilka Duqa Berbera 11March2006 ,isagoo ahaa Maayirkii 3aad ee Berberi yeelato tan iyo doorashaddii Golayaasha Degaanka 15 December 2002 waxaa Geeriyooday 15/12/2007 Mudo iminka aan ka Joogno 6Bilood ayuu mootanyahay Marxuunku wuxuuna xilka hayey Mudo Sanad iyo sagaal Bilood ah . Wuxuu ahaa marxuun Hawlkar ah isagoo daacadnimo ugu adeegay hawshii ay umaddu u dhiibtay isagoo ahaa Bulsho wadeen,kaftan iyo dad lasocodna lahaa , Diinta ku wacnaa oo ay ku badnayd Cibaadada iyo Alle ka cabsigu , isagoo qayb libaaxle ka qaatay Horumarka Gobolka Saaxil intii uu xilka hayey , waxaan ilaahay ugu baryeynaa Naxariis Iyo Inuu ku abaalmariyo Janatul Fardowsa. -ALLAA MAHAD LEH- Adan Yuusuf Cilmi , Birmingham UK. |
|
|
Waxgaradka G/Saaxil & Sharciyada Bixinta Saldhiga Berbera |
|
|